Qarax culus ayaa lala beegsaday goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada taasi oo ku taala deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buulo Mareer ee gobalka Shabeelada Hoose.
Qaraxa ayaa ka dhacay Bartamaha Goobta Isbaarada waxaana xilliga qaraxa Isbaarada ku sugnaay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.
Dhanka Gobalka Gedo Qarax xoogan ayaa lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah kaasi oo ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Saraakiil Miina Baarayaal ah oo ka tirsan Xabashida Itoobiya ayaa isku dayay in ay kala furfuraan walxaha qarxa kadibna waxaa haleelay qarax oo sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaraxyo iyo weeraro ku wajahayay deegaanno katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.