Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Ridada lagula beegsaday deegaanno ka tirsan labada shabeelle.
Wararka ka imaanaya Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan Labo askari ay dhinteen kadib markii qarax xooggan lagula beegsaday Koontaroolka degmada Balcad ee dhanka wadadaa katimaad magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay uu haleelay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Melleteriga xilli ay ku sugnaayeen isku imaatin.
Dhinaca kale Afar askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Weydoow ee dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuciisu yahay Roneed, dhammaan ciidamadii gaariga la socday ayaa la sheegay in ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac, Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan ka kala dhacay duleedka Muqdisho Iyo Gudaha degmada Balcad.