Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala Jubbooyinka, waxay maanta qaraxyo culus la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland, ee uu madaxa ka yahay murtad Axmed Madoobe.
Qaraxa koowaad, waxay maanta ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaanada Buulo-gaduud iyo Baarsanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxayna mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaad Riddada ka tirsan oo lugeynayey, waxaana qaraxaasi ku dhintay hal askari oo murtad ah.
Qaraxa labaad, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen deegaanka Sin-galeer oo isagana dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxayna la beegsadeen maleeshiyaad kale oo murtadiin ah, waxaana inta la hubiyay qaraxaasi labaad ku dhaawacmay hal askari oo murtad ah, kaasi oo la xaqiijiyay in uu lug ka g’ay.