Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta waxay maanta qaraxyo culus oo si ba’an loogu xasuuqay kolonyo ciidamo ah oo isugu jirtay kuffaarta Uganda iyo maleeshiyaadka murtadiinta ka fuliyeen duleedka degmada Marka ee wilaayada Sh/hoose.
Warsaxaafadeed 2 Page ka kooban oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in qaraxyadan oo gaarayay illaa saddex qarax lagu beegsaday kolonyo isugu jirtay saliibiyiinta Yugaandha iyo maleeshiyaadka murtadiinta kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaqaqaaqooda ciidan ay si dhow ula socdeen sirdoonka mujaahidiinta.
27 askari oo 5 ka mid ah ay yihiin saliibiyiinta Yugaandha ah iyo 22 ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada ayaa lagu dilay qaraxyada halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9 askari oo isugu jira saliibiyiinta Uganda iyo murtadiinta.
Waxaa sidoo kale qaraxyada lagu burburiyay 3 gaari oo mid ka mid ah ay lahaayeen saliibiyiinta Yugaandha halka 2 kalena ay lahaayeen murtadiinta.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Mujaahidiinta Oo Dhamaystiran.
Ama Hoos Ka Akhriso.