Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qaraxyo culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya.
Labo qarax oo aad u xoogan ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya oo kasoo kala baxay degmada Dhoobley iyo deegaanka Taabto oo ka wada tirsan gobalka Jubbada hoose.
Qaraxa lala beegsaday kolanyada kasoo baxday deegaanka Taabto waxaa lagu burburiyay gaari Taw ah,sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Kenyaatiga ee la socotay gaarigaasi.
Qaraxa Labaad waxaa lala beegsaday ciidamo Kenyaati oo lugeynayay kuwaasi oo qeyb ka ah kolanyada Kenyaatiga ee kasoo baxday dhanka degmada Dhoobley,waxaa qaraxaasi sidoo kale baqti iyo dhaawac ku noqday askar Kenyaati ah.
Kolanyada kasoo baxday Dhoobley ayaa waday sahay ciidan,iyadoona kolanyada kasoo baxday deegaanka Taabto ay doonayeen in sahay-da ay meel dhexe kala soo gadoomaan kolanyada sahay-da u wada ee kasoo baxday Dhoobley.
Calamada.com