Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose waxay ku waramayaan in qaraxyo lala eegtay ciidamo katirsan Soomaalida sida gaarka ah ula shaqeysa ciidamada Maraykanka ee jooga garoonka Ballidoogle.
Kolonyo gawaari ah oo ka koobnaa illaa saddex gaari, ayna wateen ciidamada loo yaqaano Bankrafta ee daacadda u ah Maraykanka ayaa lagu beegsaday inta u dhexeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Inta la xaqiijiyay waxaa si buuxda u basbeelay oo gubtay labo gaari oo kamid ah saddexdii gaari ee ay wateen ciidamada Bankrafta.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray dhamaan ciidamadii saarnaa labada gaari ee sida fiican u haleelay qaraxa, waxaana hakad uu ku yimid isku socodkoodii.
Marar badan, waxaa inta u dhexeysa Afgooye iyo Wallaweyn lagu beegsaday ciidamada Maraykanka iyo malleeshiyaadka iyaga daacadda u ah, taas oo keentay in khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh uu gaaro.