Qaraxyo xoogan ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Baay.
Labo miino oo ah noocyada wadada lagu aaso ayaa lagu qarxiyay kolanyo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmada Bardaale iyo deegaanka Yurkut oo ka wada tirsan gobalka Baay.
Dadka deegaanka waxaa laga soo xigtay in jugta qaraxyada labadaasi Miino laga maqlay meelo fog fog ayna jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay kolanyada Xabashida Itoobiya.
Itoobiyaanka qaraxyadan lala beegsaday ayaa ka baxay degmada Bardaale waxeyna ku sii jeedeen deegaanka Yurkut oo ka mid ah goobaha saldhigyada ugu waaweyn ay ka sameysteen Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku joogta gobalada Baay iyo Bakool.
Calamada.com