Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Jubbooyinka waxay ku dhawaad 7 qarax oo aad u xooggan la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo marayay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in qaraxyada 7-da ah Allaah fadligiis lagu beegsaday maleeshiyaad Riddo ah oo ku lugaynayay deegaannada kala ah Farwaamo, Towfiiq, Wirkoy oo ah deegaanno dhaca duleedka Kismaayo, waxaana jira khasaare kala duwan oo murtadiinta la gaarsiiyay.
Howlgalkan qaraxa ah ayaa qayb ka ah howlgallada mujaahidiinta ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Riddada, kuwaas oo si dardar leh uga socda koonfurta, bartamaha iyo waqooyi bari Soomaaliya, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada mujaahidiintu cagta ay mariyeen fariisin murtadiinta, gaar ahaan murtazaqada uu Imaaraadku ku leeyahay degmada Kaxda ee Muqdisho, halkaas oo lagu dilay 10 murtadiin ah, laguna soo qaniimeystay 7 qori oo kala ah 6 qori oo AK47 iyo hal qori oo BKM ah.