Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayaadka Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa howlgallo kala duwan oo ay ka kala fuliyeen deegaanka Daaru-nicma iyo degmada Afgooye siyaabo kala duwan ugu beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan murtadiinta.
Qaraxa koowaad oo ka dhacay deegaanka Daaru-nicma ee Sh.dhexe waxay mujaahidiintu Allaah fadligii ku dileen 2 xubnood oo ka mid ah saraakiisha Riddada, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Abuukar Miineey oo ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulka Riddada degmada Ruunirgood iyo Cabdi Markab oo ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsan saraakiisha maleeshiyaadka la magac baxay macawiisleyda Riddada ah ee Sh/dhexe.
Qaraxa labaad oo ka dhacay degmada Afgooye waxay mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa gudaha degmadaas, waxaana qaraxaas inta la hubiyay ku dhaawacmay 1 askari oo murtad ah.
Qaraxyadaan maanta ka kala dhacay wilaayaadka Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa qayb ka noqonaya howlgallada ciidan ee ay mujaahidiinta ka wadaan, laga soo billaabo Buuralayda Goolis illaa gobolka Laamu, kuwaas oo lagu beegsanayo saliibiyiinta jinsiyadaha kala duwan leh iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ee duullaanka ku ah ku dhaqanka diinta islaamka.