Khasaara xooggan ayaa ciidamada ciidamada dowlada Nasaarada Kenya kasoo gaaray qaraxyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Lamu ayaa sheegaya in illaa Afar qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan melleteriga KDF iyo shaqaale Kenyaan ah oo xilligaasi ku howlanaa dhismaha wadda jid cadda ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyo is xigxiga melleteriga Kenya ay kula beegsadeen xuduud beenaadka ay ku gubeen Afar gaari oo laba kamid ah ay ahaayeen gaadiid melleteri.
“Afar askari oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya ayaa ku baqtisay qaraxyo ka dhacay xuduud beenaadka Sagaal askari kalane oo Kenyaati ah dhaawacyo ayaa soo gaarayâ€ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa sidoo kale baahisay in gaadiidka la gubay uu kamid ahaa cagaf cagaf iyo wiish ka qeyb qaadanayay dhismaha waddo ay ciidanka Kenya ka falayeen wadada xiriirisa deegaanka Kulbiyoow iyo Kaambooni.
Dhinaca kale dowladda Nasaarada Kenya ayaa xaqiijisay in halka askari looga dilay qaraxyada halka 5 Askari ay uga dhaawacmeen qaraxyo shalay lagula beegsaday deegaanka Laamu.
Wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan booliska ayaa sheegay in qaraxyada khasaaraha dhaliyay ay gaarayeen laba qarax kuwaasi oo loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in weeraradan ay dhaceen xilli ciidanka Kenya ay ku howlanaayeen dhismaha waddo jid cadda ah kadib markii ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay jareen waddooyinkii ay saadka isku marsiin jireen melleteriga Kenya.