Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in shil culus oo gallaaftay nolasha qof kasoo jeeda Soomaaliya uu ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Mpumalaga ee dalkaasi.
Shilkan baabuur ayaa saacadihii lasoo dhaafay si gaara looga soo tabiyay duleedka degmada Delmas ee ka tirsan gobolka Mpumalaga ee dhaca koonfur afrika, sida ay soo xaqiijiyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqo tagay.
Goobjoogeyaal ku sugan dalkaasi ayaa soo sheegay in ninka dhintay oo caan ka ahaa magaalada johannesburg iyo magaalooyinka kale ee dalka Koonfur Afrika lagu magacaabi jiray Mustafe Maxammed Dhaqane, loona garan ogaa ”Dhuudhi”.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka gaaray gaariga uu watay ninkan ku dhintay shilka baabuur, ma ahan dhacdadii 1-aad oo uu ku dhinto ganacsade Soomaaliyeed, sannadkan sii dhamaanaya gudihiisa dhowr dhado oo shilal ayaa lasoo wariyay, waxaana ka mid ahaa mid dhacay bishii May, kaasi oo ay ku dhinteen Maslax Maxamed Boosh iyo Maxamed Shariif Cabdullaahi.
Sannadadii dambe waxa uu dalkan marti geliyay shilal dhowr ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan u gallaaftay nolasha dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaasi ganacsi u tagay.