Wararka ka imaanaya wadanka Canada ee waqooyiga qaaradda America ayaa sheegaya in markale lagu dilay qof kamid ah jaaliyadda Soomaalida ee wadankaasi ku badan.
Rag hubeysan ayaa magaalada Toronto ku dilay wiil dhalinyara ah oo la oran jiray Kaafi Bashiir Bahweyn, goob joogayaal ku sugan xaafadda Weston and Lawrence ayaa warbaahinta u sheegay in rag middiyo ku hubeysan ay dilka geysteen.
Saraakiisha Booliska magaalada Toronto waxay sheegeen in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababta dilka keentay inta badan dhalinyarada Soomaalida ee lagu dilo wadanka Canada ayaa lagu eedeeyaa in ay mas’uul ka yihiin kooxo gaangiistarro ah.
Jaaliyadda Soomaalida Canada ayaa ka cabanaya dilalka tobaneeyo qof sanad walba loogu geysto gudaha wadankaasi.