Wararka ka imaanaya wadddanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay gudha waddankaasi lagu dilay qof Soomaali ah.
Qofka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cismaan Aadan Sheekh Buulle waxaana kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ku dileen deegaanka Kuwazakale.
Ninkaan la dilaya ayaa ka mid ah ganacsatada ka shaqaysata dalka Koonfuir Afrika, waxayna wararku sheegayaan in marka hore uu ka badbaaday isku day dil ah, basle saacado kadib la khaarajiyay.
Waa qayb ka mid ah dhibaatooyinka ay la kulmayaan Soomaalida ku dhaqan waddanka Koonfr Afrika, kuwaas oo markasta la kulmo dil iy dhac loo gaystao goobahooda ganacsi.