Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka isbitaalka Al-xayaat ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Ridada Farmaajo.
Sarkaalkan lagu dilay degmada Wardhiigley waxaa lagu magacaabi jiray Muxamed Cabdulle Qooreey sidoo kale sarkaalkan waxa uu ahaa Tababare ka tirsan maamulka Farmaajo.
Sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga tirsanaay saraakiisha tababarta maleeshiyaatka ay tababarto dowlada daba dhilifka Imaaraatka Carabta.
Mas,uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxa uu dilka sarkaalkan imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo ay ku dileen xildhibaan ka tirsanaay maamulka gaala raaca Jubbo land.
Calamada.com