Zakhar Prilepin oo ah qoraa caan ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa ku dhaawacmay qarax culus oo lagu weeraray baabuurkiisa wakhti uu ku socdaalayay meel boqollaal KM u jirta magaalada caasimadda ah ee Moscoow, dowladda Ruushka ayaa dhankeeda weerarkaasi ku eedeysay inay ka dambeeyeen Ukraine iyo reer galbeedka.
Guddi baaris ah oo ay kiiskan u saartay dowladda Ruushka ayaa sheegay in baabuurkan oo ahaa mid uu gaar u lahaa qoraagu uu ku qarxay deegaan kuyaal gobolka Nizhny Novgorod, oo qiyaastii dhan 400 KM dhanka bari kaga beegan magaalo madaxda waddankaasi ee Moscow, waxayna intaasi ku dareen in dhaawaca qoraaga iyo maydka qof wade ka ahaa gaarigiisa loo qaaday xarun caafimaad.
Sawirro laga soo qaaday goobta lagu qarxiyay gaariga ayaa muujinayay gaari midibkiisu yahay caddaan oo ku qarxay xilli uu marayay waddo dheer oo ku teedsan meel kayn ah oo dhul beereed ah, iyo biro jajaban oo gaariga dhiniciisa daadsan.
Guddiga dowladda Ruushka ayaa sidoo kale shaaciyay in la xiray nin lagu magacaabo Alexander Permyakov, oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarka qaraxa ah uuna isku dayay inuu dilo Prilepin, iyagoo xusay inuu qirtay inuu u basaasayay sirdoonka dowladda Ukraine, waa sida ay warka u dhigeene waxayna intaasi ku dareen in qaraxa laga soo abaabulay amar ka yimid xukuumadda Kiyeef.
Qoraaga qaraxa lagu weeraray ayaa si wayn u taageerayay duullaanka ay dowladdiisu ku qaaday waddanka Ukraine oo ah waddan dhaca bariga Yurub oo ay dagaal kaga jirto dowladda uu madaxa ka yahay Vladimir putin.