Wararka ka imaanaya dalka Kenya waxey sheegayaan in gudaha dalkaasi ay ka jirto xaalad cakiran,iyadoona Taageerayaasha kooxaha Mucaaradka Kenya ay dhigayaan dibad baxyo xoogan.
Dibad baxayaasha Mucaaradka taageersan ayaa gabi ahaan diidan Uhuru Kenyatt maadaama aysan jirin cid doorashada kula tartameysa Uhuru,iyadoona Mucaaradka ay kal hore sheegeen iney qaadaceen doorashada ku celiska ah.
Magaalada Kisumu oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Kenya ayeysan maalintii shalay ka dhicin wax doorasho ah,gabi ahaan waxaa xirnaay goobta cod bixinada loogu tala galay waxaana Jaan iyo Ciirb la waayay saraakiishii dhanka doorashada u qaabilsaneed magaaladaasi.
Magaalada Kisumu waaa magaalo ay ku xooganyihiin Taageerayaasha kooxaha Mucaaradka ee kasoo horjeeda Uhuru Kenyatt,sidoo kale dibadbaxyada Rabshadaha wato waxey ka dhaceey qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Nayroobi iyo deegaano kale.
Ciidamada booliska dowlada Nasaarada Kenya ayaa rasaas nool nool iyo Sunta dadka ka ilmeysiiso u adeegsanayo dadka dibad baxyada dhigayo waxeyna taasi sababtay dhaawaca iyo dhimashada dad fara badan.
Maalintii Labaad ayeey sidoo kale maanta xaalad kacsanaan ah ka taagan tahay dalka Kenya waxaana suura gal ah iney sii kordhaan tirada dadka dhimashada iyo dhaawaca ah maadaama rabshaduhu wali ay ka socdaan dalkaasi.
Calamada.com