Intii ay socotay munaasabada lagu caleymasaarayyay madaxweynaha cusub ee dowlada Nasaarada Mareykanka gaalka lagu magacaabo Donald Trump waxaa gudaha magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka ka dhacay rabshado ay dhiig ku daateen.
Rabshadaha ayaa yimid kadib markii wadooyinka magaaladaasi isugu soo baxeen dad fara badan oo diidan in la caleymo saara madaxweynaha cusub ee dalkaasi Trumpa’iyadoona ciidamada booliska ay isku dayeen iney xoog ku kala ceyriyaan dadkaasi.
Dibad baxayaasha iyo ciidamada Booliska ayaa gacanta isula tagay taasi oo sababtay khasaara kala duwan’waxeyna dibad baxayaasha ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Taliyaha booliska magaalada Washington ee dowlada Nasaarada Mareykanka ayaa sheegaya in rabshadahaasi ay ku dhaawacmeen Lix askari oo Boolis ah’waxeyna ciidamada Booliska xireen oo ay xabsiga dhigeen 217 ruux kuwaasi oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha kasoo horjeeda madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Calamada.com