Azmada siyaasadeed ee ka taagan waddanka Kenya oo markii hore ku koobnayd mucaaradka iyo dowladda, ayaa dhanka kale waxaa markan dibadda usoo baxay khilaafka ka dhex taagan xisbiga talada haya ee lagu magacaabo UDA ee uu hoggaamiyo, William Ruto madaxweyneha Kenya.
Warbaahinta ka howlgasha dalka Kenya waxay maanta si wayn u hadal haysay dhacdo ka dhacday dhismaha xarunta xisbiga talada haya, kaasi oo salka ku haya is qab-qabsiga ka dhex jira qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenyaanka ah ee ku aaddan maamulka xisbigaasi.
Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa maanta laga soo wariyay xarunta xisbiga Ruto ee magaalada Nairobi, waxaana rabshadahaasi ay ka dambeeyeen kaddib markii ay gudaha dhismaha soo galeen taageereyaasha xog-hayaha xisbiga ninka lagu magacaabo Cleophas Malala.
Siyaasi la sheegay in uu iskiis isugu magacaabay xoghayaha xisbiga talada Kenya haya ee UDA, ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray isaga iyo taageereyaasha xoghayaha guud ee xisbiga Malala.
Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Joe Khalende oo ah ninka iskiis isugu magacaabay xoghayaha xisbiga oo dibadda loo soo saarayo isaga oo uu dhaawac dhanka wajiga ka muuqdo.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli shalay Khalende oo ah ninka lagu dhaawacay rabshadaha maanta ka dhex dhacay xarunta UDA iyo koox uu hor kacayay ay shaaciyeen olole ay xilka uga qaadayaan xoghayaha guud ee xisbiga, Cleophas Malala, isagana uu si kumeel gaar ah usii hayn doono xilka xogyahaha guud ee xisbiga, taasi oo keentay in taageereyaasha Malala oo caraysan ay gudaha xarunta dhaawac ugu gaystaan Khalende.