Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Zimbabwe ayaa sheegay in warqadda iscasilaadda uu u dhiibay Robert Mugabi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.
Mugabe oo muddo 37 sanadood ah gacan bir ah ku maamulayay wadanka Zimbabwe ee dhaca galbeedka Afrika ayaa awoodda lagala wareegay arbacadii lasoo dhaafay kadib markii ay melleterigu xabsi guri kusoo rogeen.
Telefeshinka Afka dowladda ku hadla ee ZBC ayaa lagasii daayay war loogu bishaareynayo shacabka Zimbabwe in uu isacasilay Mugabe oo dadka qaar ay u arkaan Halgamaa waxbadan wadanka uqabtay balse dambiilayaal ay ku hareersnaayeen.
Dabaal degyo ayaa durbadiiba ka bilaawday magaalada caasimadda ah ee Harare, iscasilaadda Robert Mugabe ayaa soo gaba gabaynaysa 37 sanadood oo uu xukunka heystay waxaana lafilayaa in Ku xigeenkiisi uu talada qabto sanad kadibna laqaban qaabiyo doorashooyin madaxtinimo.