Wararka ka imaanaya deegaanka Oog oo ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in roobab dabaylo wata oo saacadihii lasoo dhaafay halkaasi ka da’ay uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Roobabkan oo ahaa kuwa lagu diirsaday waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo dumara halka sidoo kalena uu ka dhashay burbur hantiyeed.
Aamina Ibraahim Maxamed waa gabadha ku geeriyootay shil ka dhashay roobabkii ka da’ay deegaanka Oog, kaddib markii uu gidaar kusoo dumay, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaana dhacdadan ka warbixiyay.