Wararka ka imaanaya degmada Saylac ee waqooyiga Soomaaliya, ayaa sheegaya in roobab dabeyla wata ay ka da’een magaaladaasi, taasi oo saamayn ku yeelatay dadka deegaanka.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo wariyay in roobabka da’ay ay ahaayeen kuwa ay dadku ku diirsadeen, duufaanta roobkaasi la socotay oo ahayd mid xooggan ayaase lasoo wariyay inay gaysatay khasaare baaxad leh oo gaaray kaabeyaasha dhaqaalaha iyo guryaha magaaladaasi ee ay dadku degganyihiin.
Guryo badan ayaa lasoo wariyay in dabeylaha xooggan ay dumiyeen, ilo wareedyo deegaanka ku sugan ayaa soo sheegay in daybayshu xooggeeda ka timid dhanka xeebaha.
Mid ka mida dadkii guryaha ka burburay ayaa sheegay inay bannaanyaal noqdeen, kaddib markii duufaannadu dumiyeen guryihii ay degannaayeen, sidoo kale waxaa dumay xarumihii korontada, caafimaadka iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka u ah dadka.
Ilaa laba xubnood ayaa lasoo wariyay inay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, ma jiro khasaare dhimasho ah oo ka dhashay roobabkii ka da’ay magaalada Saylac ee dabeylaha watay.