Wararka laga helayo dalka Uganda waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Roobab xoogan oo daadad wata ay ka da,een qeybo ka mid ah dalkaasi.
Roobabka ugu xoogan ee islamarkaana geystay khasaara nafeet iyo midka hantiyadeed ee ugu xoogan waxey ka da,een deegaano dhaca dhanka Konfur Galbeed ee dalkaasi.
Saraakiil ka tirsan dowlada Nasaarada Uganda iyo hey,ad gaaleedka Bisha Cas ayaa xaqiijiyay in roobabkaasi ay ku naf waayeen inka badan Shan iyo Toban ruux isbitaaladana la dhigay tiro kale oo dad ah.
Sidoo kale roobabkan waxey burburiyeen guryo iyo dhismooyin kale oo ku yaala deegaanadaasi,waxeyna wararka qaar sheegayaan iney suura gal tahay in dhismooyinka burburay hoostooda laga helo meydad hor leh.
Roobabka daadka ka wata ee ka da,ay dalka Uganda islamaarkana sababay khasaaraha Nafeet iyo midka hantiyadeed waxa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan roobab daad wata oo sababay khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo aad u baaxad weyn uu ka da,ay magaalada Houston oo ah magaalada Afaraad ee ugu weyn dalka Mareykanka.
Calamada.com