Saacadihii lasoo dhaafay waxaa qeybo badan oo ka mid ah Konfurta iyo Bartamaha dalka Somaliya ka da’ay Roobab si aad ah loogu diirsaday.
Gobalada Roobabkan ay ka da,een waxaa ka mid ah gobalada Jubbooyinka,Hiiraan,Banaadir iyo Galgaduud roobabkaasi oo si weyn ay ugu diirsadeen dadka iyo duunyada.
Magaalooyinka sida weyn Roobabka xilliga Deyrta ka curtay waxaa ka mid ah Jilib,Bu’aale,Ceelbuur,Guriceel,Wabxo,Ceelgars,Galhareeri,Beled Weyne,Jalalaqsi iyo Moqkori.
Beeralayda ayaa bilaabaya tacabka beeraha fasalka Dayrta halka xoola dhaqatada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysan doonaan daaqa cawska maadaama Jiilaal daran uu waayahan ka jiray dalka marka xooluhu daaqaan dhirta cagaaran oo ay dararaan ayay caanuhu rakhiisi doonaan waxaana ka faa’iidaysanaya dadka danyarta ah ee magaalooyinka ku dhaqan.