Shabakadda xuquuqul insaanka ee ka howlgasha Suuriya ayaa sheegtay inay diiwaangelisay xasuuq aan loo meel dayin oo ay si wadajir ah u gaysteen ciidanka nidaamka Suuriya iyo kuwa Ruushka.
Tirakoobkan oo ah mid bille ah ayaa lagu sheegay in bishii Octoober ee ina dhaaftay ay shabakaddu diiwaan gelisay in labada dhinac ay xasuuqeen 161 qof oo rayid ah, kuwaas oo lagu dilay Suuriya, kala barna ay ahaayeen haween iyo caruur aan waxba galabsan.
Warbixinta oo maanta uun lasoo saaray ayaa lagu sheegay in taliska dhiig-yacabka ah ee Suuriya uu dilay 61 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 23 carruur ah iyo 9 haween ah, halka ciidammada millatariga Ruushkana ay dileen 9 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 4 carruur ah iyo 4 dumar ah, Ilmo yar, iyo 86 qof kale oo rayid ah, oo ay ku jiraan 6 carruur ah.
Guud ahaan, warbixintu waxay sheegtay in 34 carruur ah iyo 44 haween ah lagu dilay gdaha dalka Suuriya, kuwaas oo ay gaysteen dhinacyada isku haya talada dalka Suuriya iyo ciidanka Ruushka.