Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay burburisay dhowr diyaaradood oo laga leeyahay waddanka Ukraine.
Xukuumadda Moskow waxay sidoo kale sheegtay inay iska caabisay weerar lagu soo qaaday gobollada Bryansk iyo Belgorod ee wada dhaca galbeedka dalka Ruushka, gaar ahaanna ku teedsan xadka u dhaxeeya labadaasi dal.
Wazaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeedu ay dhulka soo dhigeen 6 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo dul heehaabayay gobolka Bryansk ee galbeedka Ruushka.
Guddoomiyaha gobolkaasi ugu magacaaban Ruushka Alexander Bogomaz, ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay in lixda diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn si gaar ah loogu soo riday 4 deegaan oo ku dhow magaalada Bryansk.