Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ku waramaya in afar ruux oo dhalinyaro ah uu xalay ku dumay god Dahabka laga qado oo ku yaalla deegaanka Milxo.
Waxaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo seddex kamid ah dhalinyaradaasi balse waxay qabeen dhaawacyo culus , halka ilaa iyo hada aan lagu guulaysan in lasoo badbaadiyo ruuxa kale oo ku jira gunta godka.
Goobjoogayaal goobta ku sugan ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada ah ee wali ku jira godka uu ka hooseeyo ceel biyood ku yaalla goobta, taasi ayaana adkaysay hawlaha badbaadinta.
Bishii October ee aanu soo dhaafnay ayeey ahayd markii sidaan oo kale wiil dhalinyaro ah uu ku dumay godkaasi, gobolka Sanaag ayaana kamid ah goobaha ugu badan ee laga qato Dahabka ee ku yaalla waqoyiga Soomaaliya.