Wararka laga helayo waddanka Talyaaniga ayaa sheegaya in toogasho cusub oo khasaare gaysatay ay habeenkii xalay ka dhacday magaalada Rooma ee caasimadda dalkaasi.
Toogashada ayaa si gaar ah kaga dhacday maqaaxi ku taalla waqooyiga magaalada Rooma, waxaana la sheegay in ruux ku hubaysan qori booba ah uu soo galay maqaaxida kadibne uu weerarka billaabay.
Booliska magaaladaasi ayaa xaqiijiyay in toogashada lagu dilay sedex ruux kuwaas oo ubadnaa dumar, waxaana markii dnabe gacanta lagu dhigay ruuxii dilka gaystay.
Ninka fuliyay toogashadani ayaa markii uu maqaaxidda soo galay ku dhawaaqayay “Waan idin wada dili doonaa dhammaantiin,” ka dibna uu rasaas ku furay.
Muddooyinkii dambe waxaa waddamada reer-galbeedka kusoo badanayay togashoyinka, badanaa weeraradaasne waxaa fuliya dad gaalo ah oo naftooda ku khamaaray.