Wararka ka imaanaya dalka Jarmalka, ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo Mindi loo adeegsaday lagu beegsaday goob xafladi ka socotay oo kutaal magaalo dhacda galbeedka waddankaasi.
Warbaahinta maxalliga, waxay sheegtay in goobta weerarka uu ka dhacay ay tahay bartamaha magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, halkaas na ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof, halka kuwa kalena lagu dhaawacay.
Mid ka mid ah wargaysyada dalkaasi kasoo baxa ayaa sheegay in weeraryahanka uu beegsaday dad badan oo ku sugnaa suuqa bartamaha magaalada Solingen, halkaas oo ay ka socotay maharjaan oo maamulkeedu lahaa maamulka degmadaasi.
Weeraryahanka markii uu Mindida la dhex qaaday dadkii xafladda ku sugnaa ayuu maamulka magaaladaasi amar ku bixiyay in dadkii xaflada kasoo qayb galay ay si deg deg ah goobta uga baxaan, xafladana si ku meel gaar ah loo hakiyay.
Mid ka mid ah qabanqaabiyeyaasha xafladda weerarka lagu qaaday, ayaa goobta ka sheegay in kooxda gurmadka deg degga ah ku howlan yihiin badbaadinta nolasha 9 xubnood oo la rumeysan yahay in weerarkaasi lagu dhaawacay.