Rag hubeysan ayaa maanta Barqadii sarkaal sare oo katirsan maamulka dowladda Hoose ku dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalka la toogtay ooo Saddex Xidigle ahaa ayaa katirsanaa qeybta aruurinta lacagaha baadda ee Wasaaradda Maaliyada dowladda Ridada.
Sida Dad Goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen Sedax Xidigle katirsan ciidamada Minishiibiyada ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Daboole oo ku dhow Bosteejada weyn ee Suuq Bacaad oo ah suuqa 2-aad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.
Ragga hubeysan ayaa sarkaalka Saddex xidiglaha ah ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku geeriyooda,waxaa mas,uuliyadda dilkan sheegtay Xarkada Shabaabul Mujaahidiin.
Waa Sarkaalkii labaad oo wax kayar 24-saacadood gudahood lagu dilo magaalada Muqdisho, xalay ayey ahayd markii rag ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay degmada Wadajir ee Muqdisho ku toogteen Gaashaanlle Sare Maxamed Yare kaasi oo Barqo nimadii maanta lagu aasay Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.
Calamada.com