Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in saaka tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhiga ciidamada Nasaarada Mareykanka,Kenya iyo kuwa daba dhilifka Axmed Madoobe ay ka sameysteen duleedka magaaladaasi.
Madaafiicdan waxaa lagu garaacay Saldhiga cadowga ee deegaanka Buulo gaduud oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhowr madaafiic ay ku dhaceen gudaha saldhiga ayna jiraan khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo shisheeyaha iyo maleeshiyaatka la socda lagu gaarsiiyay duqeyntaasi.
Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli habeenkii xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin sidoo kale tiro madaafiic ah ku garaaceen difaacyada ciidamada Nasaarada Burundi ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha Duqeynta Buulo Gaduud.
Calamada.com