Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo madaafiic ah ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo ah saldhig millatari oo ay leeyihiin ciidamada saliibiyiinta Maraykanka iyo maleeshiyaadka murtazaqada u ah ee Danab.
Howlgalka ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxayna madaafiicdu ku dhaceen gudaha saldhigga, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay mujaahidiintu duqeeyeen saldhigga murtadiinta ee deegaanka Buulo-xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Xudur.