Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ee Bakool waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo dagaal toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, maadaama uu dhacay xilli habeen ah, balse weerarkaasi kaddib waxay ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah, taasi oo muujinaysa in uu khasaare jiro.
Dhanka Gedo, waxay ciidanka Shabaabul Mujaahidiin howlgal qarax ah la beegsadeen Bar-control oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga sugan yihiin degmada Baardheere.