Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay saldhigyo ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Faransiiska ay ka kala sameysteen dalalka Afghanistan iyo Maali.
Weerarka Kowaad oo ka dhacay dalka Afghanistan waxey Guutada Madaafiicda Imaarada Islaamiga Afghanistan Tiro Madaafiic ah ku garaaceem saldhig weyn oo ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha gobalka Qandahaar ee Konfurta dalka Afghanistan.
Madaaficda ayaa gudaha u galay saldhiga waxaana la arkayay Holac iyo Uura Madow oo ka baxeysa saldhiga taasi oo muujineysa in ciidamada Mareykanka khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay duqeyntaasi.
Weerarka Labaad waxa uu ka dhacay dalka Maali waxey Guutada Madaafiicda Mujaahidiinta Jamaacada U Gargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta oo ah Mujaahidiin taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee Bilaadul Magribil Islam tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhig ciidamada Saliibiyiinta Faransiiska ay ka sameysteen qeybo ka mid ah dalkaasi.
Saldhiga Amchach oo ah saldhig ku yaala meel u dhaw magaalada Tsalit ee dhanka Waqooy Bari ee dalka Maali ayeey ciidamada Mujaahdiinta Madaafiicda ku garaaceen waxaana saldhigaasi ku sugan ciidamada Saliibiyiinta Faransiiska ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Warbaahinta Maali ayaa dhankeeda xaqiijisay in madaafiicda oo gudaha u galay saldhiga ay sababeen in inta badan uu gubta saldhiga kadib markii dab xoogan oo ka dhashay duqeynta uu ka kacay waxeyna warar hoose sheegayaan in tiro askar Faransiis ah Baqti iyo dhaawac ku noqdeen duqeynta sidoo kalane saanad hub ah halkaasi ay ku burburtay.
Calamada.com