Magaalada Baardheere ee wilaayada Gedo waxaa hiirtii hore ee saaka ka dhacay camaliyad Istish-haadi ah oo lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen saraakiil murtadiin ah oo abaabul ka dhan ah shareecada islaamka ka waday gudaha degmadaas.
Camaliyadda Istish-haadiga ah oo jugteeda si wayn looga maqlay gudaha magaalada Baardheere iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa beegsatay guri ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan murtadiinta. waxaana xilliga ay camaliyaddu dhacaysay gurigaasi ku sugnaa xubno murtadiin ah oo ay ka mid yihiin Cabdirashiid Janan oo sidoo kale loo yaqaan (Indho Korey) kaas oo mar soo noqday waziirkii Amniga Maamulka Jubbanad, sidoo kalena ah mujrim ashahaado la dirir ah oo muslimiinta ku dhibi jiray wilaayada Gado. waxaa sidoo kale ka mid ahaa Canjeex oo ah gudoomiyaha Riddada ugu magacaaban Gedo. C/raxmaan Cawar oo isana ah waziir ayaa ka mid ahaa saraakiishii murtadiinta ahaa ee goobta ku sugneyd.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in weerarka Istish-haadiga ah ka dib in mujaahidiintu madaafiic xooggan ku garaaceen gudaha guriga ay camaliyaddu ka dhacday.
Lama hayo xog dhamaystiran oo ku aadan khasaaraha ka dhashay camaliyadda, balse waxaa la xaqiijiyay in uu gabi ahaan burburay gurigii ay camaliyaddu ka dhacday, xogta camaliyaddan Istish-haadiga ah oo dhamaystiranna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Insha’allaah.