Wararka ka imaanaya gobalka Qunduuz ee dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi lagu dilay saraakiil American ah.
Toogashada lagu dilay saraakiisha American-ka oo tiradooda gaareysa Saddex sarkaal waxey sigaar ah kaga dhacday xero ciidan oo ku taala deegaanka Ortalaaq oo ka tirsan gobalka Qunduuz.
Toogashadan waxaa geystay ruux ku labisan dareyska maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul kaasi oo si amniyeysan ugu dhex jiray ciidamada Maamulka Ashraf Gani.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada slaamiga Afghanistan ayaa lagu xaqiijyay in ruuxa hubeysan ee weerarkan fuliyay uu yahay Mujaahid ka tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan balse si amniyeysan ugu dhex jiray safka cadowga.
Bayaanka Imaarada ayaa lagu xaqiijiyay in ruuxaasi huebysan ee toogtay Saddex-da sarkaal ee American-ka ugu dambeyntii uu Shihiiday kadib markii ay toogteen maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Afghanistan.
Weerarkaas kadib ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda daba dhilifka Afghanistan ayaa gabi ahaan isaga cararay deegaanka Toogashada ay ka dhacday oo ah deegaanka Ortalaaq, iyadoona deegaankaas ay dib ula wareegeen Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Toogashada saraakiishan Americanka ah ee ka dhacday Waqooyga Afghanistan waxey kusoo aadeysaa xilli maanta qarax ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo lagu burburiyay gaari ay la socdeen saraakiil American ah.
Calamada.com