Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii madaafiicda ahaa ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee saliibiyiinta duullaanka ku ah ku dhaqanka shareecada islaamka kaga suganyihiin Soomaaliya.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex gaaal oo cadaan ah oo ka mid ah shaqaalaha UN-ka, halka 3 kale oo kuffaarta Yugaandha ayaa sidoo kale ku dhintay howlgalka madaafiicda ah, dhaawacyada ilaa laba kale oo kuffaarta Uganda ayaa dhaawacyo qaba, sidoo kale mid ka mida madaafiicda ayaa ku dhacay goob ay ka cunteynayeen gaalo caddaan American ah, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro American ah, sidoo kale waxaa duqeynta ku burburay gaadiid isugu jira Xamuul iyo kuwa dagaal oo qorya ay saarnaayeen.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray howlgalka madaafiicda ah, isaga oo sheegay in Allaah fadligiis howlgalkaas lagu dilay saraakiil saliibiyiin ah oo isugu jirta caddaan iyo madoow, kuwaas oo xilal sare ka hayay hay’adaha iyo ururada kuffaarta ee isku soo bahaystay gumeysiga dadka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka shareecada Allaah.
Halkan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Mujaahidiinta.