Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay maanta howlgal qarax ah oo culus la beegsadeen ciidamo xabashi Itoobiyaan ah oo ku roondeynayay Airport-ka degmada Waajid ee wilaayada Bakool.
Howlgalka ayaa sidii loo qorsheeyay u beegsaday saliibiyiinta xabashida, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba sarkaal oo miine baarayaal Itoobiyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo isla xabashida Itoobiya ka tirsan.
Dhanka kale, Howlgal gaar ah oo caawa ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Bangala ee degmada Dayniile ee Muqdisho ayaa lagu khaarajiyay askari ka tirsanaa maleeshiyada Jawaasiista dharcadka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ibraahiim Muumin.