Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyada Riddada ayaa maanta ka dhacay duleedka deegaanka Xawaadley ee dhaca wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo Allaah fadligiis si weyn loogu jabiyey maleeshiyadii Riddada ee duullaanka kusoo qaaday mujaahidiinta.
Dagaallaasi waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay 15 murtad oo uu ku jiray Maxamad Nuur Goodaar oo ahaa taliyihii Ururka 23aad Guutada 3-aad ee maleeshiyaaska Riddada, halkaasi oo sidoo kale lagu dhaawacay 33 kale, oo 4 kamid ah ay yihiin saraakiil, kuwaasi oo qaar ka mid ah magacyadooda aan helnay, waxayna kala yihiin, Liish oo ah Abaanduulle Urur, Ilkacase oo isagana ah taliye horin iyo Carab Hilowle oo taliye koox ah.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay dagaalladaasi ku furteen 2 qori oo PKM ah, hal qori oo Zaban ah, 3 qori oo AK47 ah, iyo rasaas iyo saanad ciidan, maleeshiyadii soo duullanyna waxay dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaan tageen.