Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta Bangarafta ee uu Tababartay Mareykanka.
Qaraxa waxaa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Maleeshiyaatka Bangrafta waxa uuna qaraxa si aad ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Numbar-50 oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa lagu dilay Lix ka tirsan Murtadiinta Bangarafta kuwaasi oo isugu jira Saddex Sarkaal iyo Saddex askari, Sidoo kale waxaa gabi ahaan burburay Gaarigii Cabdi Bilaha ee ay wateen Bangarafta.
Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo Maleeshiyaatka Indhaha u ah.
Calamada.com