Khilaaf sababay gacan hadal ayaa maanta gelinkii dambe gudaha dekadda Muqdisho ku dhaxmaray saraakiil sar sare oo katirsan Dowladda Ridada Farmaajo kaasi oo ugu dambeyntii gaaray gudaha dekada lagu dhex toogta taliye ku xigeenkii maleeshiyaatka Badda ee dowlada.
Jen. Saciid Aadan Dheere oo loo yaqaan (Saciid Mariino) ayaa dhintay halka dhaawac fudud uu soo gaaray askari ilaala u ahaa sida uu sheegay Maareeye ku xigeenka dekadda Muqdisho,waxaana taliye ku xigeenka toogtay sarkaal kale oo ka tirsan saraakiisha dhanka Badda kaasi oo taliye ku xigeenka ay isku qabteen qeybsiga lacago baad ah oo kasoo xarootay Maraakiib kusoo xiratay dekada.
Dhanka gobalka Hiiraan Magalada Baladweyne Xero Barigeeda Ku Taala Waxaa is Ku Khilaafey labo Askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada Mid Kamid ah Xabada Ayaa Lagala Hor marey Isla Goobta Ayuu Ku Geeriyoodey Goob Joogayaal Ayaa Sheegey iney isku Khilaafeen Maandooriyaha Qaadka Oo ay Qaybsanayeen Hayeshee Midkii Badsadey Ayaa Muran Kadib Xabada Lagala Hormarey.
Maleshiyaadka dowlada ee ku sugan magaalada Beledweyne Ayaa Markii Danbe Labo Dhinac U Kala Baxay Waxaana Cabsi Laga Qabaa in maleeshiyaatka dowlada qaab beeleed ugu dagaalamaan gudaha magaalada Beledweyne.
Sidoo Kale Degmada Buulo Burte Ayaa Waxa Ka Dhacay Dilal ay Isku Geysteen Maleshiyaad Murtadiin Aha Waxa Lagu Soo Waramayaa in Dhacdadaasi ay Kadambeysey Markii Askari Ku Sugnaa Buundadaweyn Ee Magaladaasi Waardiye Uu Kaga Qornaa Si Lama Filaan ah Uu Ugsoo Hor Baxey Askari Kale Rasaasta Ayuuna Ku Bilaabey inta Badan Qeybaha Danbe Ee Jirka Ayey Xabadu ka haleeshay Sidaa Ayuuna Ku dhintay,waxeyna tani muujineysaa cabsida xoogan ee ay qabaan maleeshiyaatka dowlada ee ku sugan degmada Buulo burte.
Maleeshiyaatka iyo saraakiisha Murtadiinta ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan islamarkaana iska dilaan iskana dhaawacaan askar iyo saraakiil fara badan.
Calamada.com