Qarax culus ayaa cawada fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta isgooyska Lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Qaraxa oo uu fuliyay halyey Istish-haadi ah waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan DF, Saraakiil katirsan maleeshiyaatka Farmaajo iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 10 katirsan saraakiisha iyo maleeshiyaatkii la beegsaday, halka dhaawucuna uu 15 ka badanyahay.
Goobta uu qaraxu ka dhacay waxay kamid tahay goobaha sida aadka ah ammaankeeda loo ilaaliyo aadna ugu dhow koontoroolka koowaad ee looga gudbo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Camaliyadda caawa ka dhacday Muqdisho ayaa kusoo aadaysa xilli maanta uu si qarsoodi ah magaalada kusoo gaaray wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller kaas oo saacado kooban ku sugnaa garoonka diyaaradaha isagoo shir albaabadu u xiranyihiin la qaatay saraakiisha Maraykanka ah ee ka mid ah shisheeyaha duullaanka ku jooga Soomaaliya.