Warar dheeraad ah waxaa laga helayaan howlgala qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka kala fuliyeen duleedka degmada cadaado, gudaha degmada raage ceelle, gudaha degmada afgooye iyo gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Jilcane oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda ridada ayey mujaahidiintu ku dileen gurigiisa oo ku yaala Degmada Raaga ceelle ee wilaayada Sh/dhexe , Waxeyna mujaahidiintii howlgalkaan ku fuliyay gubeen labo gaari oo guriga taalay iyagoona soo ganiimeystay hal qori.
Magaalada Muqdisho gudaheeda iyo duleedkeeda waxey ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo toogasho waxaana howlgaladaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday afar murtad.
Cabdi waran oo ka mid ahaa murtadiinta lagu dilay howlgaladaas ayaa dilkiisa waxa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda siinaay ee muqdisho.
Cabdi Waran waxa uu ahaa Kabtan ka tirsanaa ciidanka Asluubta, Waxa uu sigaar ah uga tirsanaa saraakiisha Xabsiga dhexe ee sida arxan darada ah u tacdiibiya maxaabiista muslimiinta ee xabsigaas ku jirta.
Degmada Afgooye ee wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen ku dileen Yuusuf Saalim Maxamed oo ka mid ahaa ergadii wax kasoo dhistay xildhibaanada ridada gaar ahaan kuwa maamulka ashahaado la dirirka ah ee isku magacaabay koonfur galbeed.
Gaba gabadii dhanka Galgaduud ee bartamaha dalka soomaaliya waxey ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka ridada ay kaga suganyihiin deegaanka Cada-kibir oo hoostaga degmada Cadaado waxeyna weerarkaas ku dileen hal askari oo boolis ah.