Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in inka badan 50 isugu jira saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya ay u goosteen dhanka jabhadda kooxda mucaaradka ku ah xukuumadda ee Fano, sida ay xaqiijinayaan ilo dhanka Axmaarada ah.
Warbaahinta ka howlgasha deegaanka Axmaarada ayaa sheegtay in saraakiisha iyo masuuliyiintaan oo ka kooban 52 xubnood oo ka howlgalayay waqooyiga Shewa ay si rasmi ah isugu dhiibeen maleeshiyaadka Fano ee dagaallada adag kula jira millatariga dowladda xabashida Itoobiya.
Baxsashada saraakiisha iyo masuuliyiintan xukuumada Addis ababa uga goostay dhanka Faso, ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda nasaarada Itoobiya wajahayso kacdoon hubaysan oo gudaha ah oo ay hurinayaan jabhadaha xoraynta dadka Axmaarada ee Fano iyo tan xoraynta dadka Oromada ee OLA, waxay sidoo kale dowladda Itoobiya isku furtay kacdoon dibadda ah, kaddib markii ay sheegatay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.