Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Murtadiinta Jabuuti dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyo lala beegsay goob ay ku sugnaayeen.
Ugu yaraan hal sarkaal Jabuutiyaan ah ayaa dhintay mid kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax lagula eegtay degmada Buula Burde oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Hiiraan.
Laba qarax oo is xigxigay ayaa ciidamada Jabuuti maanta gelinkii dambe lagula eegtay garoonka diyaaradaha Macmalka Buula Burde oo ah halka kaliya ee ay kasoo degsadaan saadka.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayay ku sheegtay in sarkaal katirsan ciidanka Melleteriga Jabuuti uu ku dhintay qaraxa koowaad halka qaraxa labaad uu dhaawac halis ah kasoo gaaray sarkaal katirsan Miina baarayaasha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah soo duulayaasha shisheeyaha gaalada ah.