Wararka ka imaanaya DJabuuti waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay shil diyaaradeed uu ka dhacay qeybo ka mid ah Jabuuti taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Shilka diyaaradeed waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaaka garoonka diyaaradaha Jabuuti waxaa ku dhintay Saddex Saraakiil Jabuutiyaan ah oo isugu jira Rag iyo Haween.
Saddex-dan sarkaal ee ku dhintay shilka diyaaradeed oo uu ku jira duuliyihii diyaarada ayaa ka tirsnaay saraakiisha dhanka Milatariga ee dowlada Murtad Ismaaciil Cumar Geelle.
Marka laga tago duuliyaha diyaarada Labada sarkaal kale ee ku dhintay shilkan diyaaradeed waa Haween oo xilligii shilka dhacayay ku sii jeeday tababar dhanka duulimaadka oo gaar u ah diyaaradaha Milatariga.
Saraakiisha ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa lagu kala magacaabi jiray Korneel Ibraahim Cabdullaahi Geelle oo ahaa duuliyihii diyaarada,Hodan Axmed Yuusuf iyo Ilhaan Muxamed Ibraahim oo iyaguna ahaa saraakiishii loo waday tababarka dhanka duulimaadka ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.