Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Toogasho ka kala dhacday qeybo ka mid ah Wilaayaatka Banaadir iyo Hiiraan ee Dalka Somalia.
Toogashada hore waxa ay ka dhacday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar Controol oo laga ilaaliya gaadiidka aada dhanka Madaxtooyada Villi Somalia.
Askari ka tirsan Maleeshiyaatka Murtadiinta ee ku sugan Barta Controol ayaa toogay Sarkaal ka tirsan Waaxda Dambi baarista Saldhiga Degmada Waabari ee Muqdisho, Sarkaalkan la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Wahaab Aadan.
Dhanka Deegaanka Jawiil ee Duleedka Magaalada Beledweyne ee Bartamaha Dalka Somalia waxa uu askari ka tirsan Murtadiinta ku toogtay Sarkaal ka tirsan isla Dowladda Ridada.
Sarkaalkan lagu toogtay Duleedka Beledweyne ayaa ka tirsan Qeybta Maaliyadda ee Maamulka Ridada Beledweyne, Iyadoo Sarkaalkan uu dhaawac culus soo gaaray.
Sarkaalkan la dhaawacay ayaa lagu magacabaa Axmed Sheekh, Waxa uu falkan kusoo aadayaa xilli xiisad ku aadan xil ka qaadistii Murtad Yuusuf Daba Geed ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne.
Calamada.com