Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xero ciidan oo maleeshiyo murtadiin ah ay kaga sugnaayeen halka loo yaqaano Meeri oo u dhaw deegaanka Kaambooni ee dhaca soohdin beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Radio Andalus waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi qorsheysan lagu dilay ugu yaraan 3 xubnood oo murtadiin ah, kuwaas oo laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubblanad.
Saraakiisha weerarkaasi lagu dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray (Cali Shakaal) iyo (Saalax Muun) oo horay usoo noqday taliyaha saldhigga murtadiinta ee deegaanka Kudhaa, howlgalkan ayaa qayb ka ah weerarada mujaahidiinta ee lagu beegsanayo saraakiisha Riddada.