Dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Camaara ee wilaayada islaamiga ah ee Mudug, halkaas oo Allaah fadligiis lagu jabiyey ciidamo ka tirsan oo halkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah shareecada islaamka.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay idaacadda islaamiga Andalus u xaqiijiyeen in dhimashada murtadiinta kasoo gaaray dagaalladii uu yahay 11 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 16 kale, xubnaha Riddada ee lagu dilay dagaalladaasi waxa ka mid ahaa abaanduulaha Guutada 18-aad ee ciidamka Riddada Gorgor murtad Cabdi Maxamed Xasan (Suulnuug), waxaana murtadkan uu u dhintay dhaawac maanta kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay duleedka magaalada Camaara, sidoo kale waxaa saraakiishii la dulay ka mid ahaa Abaanduulihii guutada 10-aad ee Gorgor, waxaana sidoo kale dhaawac ah ku xigeenkiisa.
Sidoo kale waxaa jira hub isugu jiray kuwa fudud iyo kuwa culus oo ciidamada mujaahidiintu maanta kusoo furteen dagaalladii dhacay, dhanka kale qarax maanta mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Buulaburde ee wilaayada Hiiraan waxay la beegsadeen maleeshiyaadka murtadiinta, waxaa halkaasi ku dhintay laba askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo murtadiin ah.