Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka ayaa lagu weeraray gudaha magaalada Muqdisho’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarada lala beegsaday saraakiisha.
Mid ka mid ah saraakiishan waxaa lagu magacaabaa Jeneraal Xasan Muxamed Cali oo ku magac dheeraa Xasan Dheere oo ka mid ah saraakiisha dhanka amaanka ee dowlada federaalka’waxa uu weerarka lala beegsaday sarkaalkan ka dhacay agagaarka Ceel-gaabta ee degmada Xamarweyne.
Sarkaalkan ayaa mar soo noqday tilye ku xigeenka guud ee he’ada Nabadsugida dowlada federaalka’waxaa la xaqiijiyay in sarkaalkan isagoo dhaawac culus uu soo gaaray laga qaaday goobta.
Weerarka labaad ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday sarkaal lagu magacaabi jiray Muxamed Cumar Xagafeey
Sarkaalkan oo weerarka lagu dilay ayaa mar soo noqday afhayeenka guud ee maamulkii Ashahaado la dirirka Xibin iyo Xeeb ee fadhigiisu ahaa degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Mas’uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyagoona wacad ku maray iney sii kordhinayaan weerarada ka dhanka ah dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.
alaho akbar wa cadow ka haray muslimiinta wana haayaan camalkooda ee gaalnimada ahaaa