Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro hubaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar ka dhacay duleedka degmada Marka lagu dilay ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM gaar ahaan kuwo kasoo jeeda dalka Uganda.
Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa kolonyo ciidamo Yugaandheys ah ku weeraray Shalaambood waxaana la sheegay in ay weerarka ku dhinteen illaa 2 askari.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in askarta dhimatay ay ahaayeen miina baarayaal xilligii qaraxa lala beegsanayay ku howlanaa in ay wadada ka saaraan miino lagu aasay.